Warar 

Siciid Deni oo warbixin ku saabsan shirkii Muqdishu iyo go’aankii Golaha Shacabka siiyay Golaha Wasiiradda Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada ee maamulka Puntland.

Madaxweynaha ayaa Golaha Wasiirada la wadaagay warbixin ku saabsan safarkiisii iyo xaaladda uu dalku marayo.

Markii kulanku uu soo dhammaaday afhayeenka ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani oo saxaafada la hadlay, ayaa sheegay in madaxweynaha uu golaha si gaar ah uu u siiyay warbixin ku saabsan shirkii kusoo dhammaaday natiijo la’aanta iyo go’aankii Baarlamaanka federaalka ay muddada ugu kordhiyeen hay’addaha dowladda.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtida la filayaa in uu hortago Baarlamaanka Puntland, si uu warbixin uga siiyo wada-hadaladii arrimaha doorashooyinka ee dhowaan bur-buray.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira