Baarlamaanka 

Baarlamaanka Puntland oo ka horyimid muddo kordhinta Golaha Shacabka uu u sameeyay hay’addaha dowladda federaalka

Golaha Wakiillada maamulka Puntland ayaa maanta si adag uga horyimid, qaraarna ka qaatay muddo kororsiga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka uu u sameeyay Goleyaasha Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Wakiillada ayaa go’aankaasi ku tilmaamay mid ka hor imaanaya Dastuurka DFS qodobadiisa 4aad, 60aad, 71aad iyo 91aad.

Fadhiga maanta oo ay joogeen 52 Xildhibaan ayaa in Barlamaanka Puntland uu diido muddo kordhinta waxaa oggol u codeeyay 49, diidmo 1, aamus 2 Mudane.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo Ku xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsama, ayaa shir guddoominayay kulankii maanta.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira