Warar 

Cabdicasiis Axmed oo maanta loo dhaariyay kamid noqoshada Baarlamaanka Puntland

Cabdicasiis Axmed Saalax, ayaa maanta loo dhaariyay kamid noqoshada Baarlamaanka Puntland, kaddib soo jeedinta Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Gudaha Golaha Wakiillada DPL.

Mudane Cabdicasiis Axmed Saalax ayaa buuxiyey Shuruudihii xubinnimada Golaha Wakiillada ee ku xusan Qodobka 61- aad ee Dastuurka Puntland.

Xildhibaannadii soo xaadiray Fadhiga 28-aad, ee Kalfadhiga 47-aad ayaa cod gacan-taag ah ku ogolaaday inuu ka mid noqdo Guddiga joogtada.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira