Baarlamaanka 

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la yeeshay madaxweynayaashii hore iyo xildhibaanno

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Kalankaan oo ka dhacay hoyga madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga hadlay Xaaladaha Guud ee dalka. 

Xiisado siyaasadeed ayaa ka dhashay muddo kordhinta Baarlamaanka uu u sameeyay hay’addaha dolwadda iyo madaxweynaha. 

Madaxda ayaa la filayaa in dhowaan ay faahfaahin ka bixiyaan shirka iyo wixii la isku afgartay. 

Warar kale oo la xiriira