Baarlamaanka 

Madaxweyne Siciid Deni oo maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland si uu uga warbixiyo shirkii doorashooyinka heer federaal

Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni, ayaa maanta khudbad u jeedin doona Golaha Wakiillada maamulka Puntland.

Mudane Siciid Deni, ayaa ka warbixin doona shirkii arrimaha doorashooyinka heer federaal ee kusoo dhammaaday natiijo la’aanta iyo go’aankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ay muddada labada sannadood ah u kordhiyeen hay’addaha dowladda iyo madaxweyne Farmaajo.

Kulanka oo ah mid ay albaabadu u xiranyihiin waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-Xigeenka koowaad Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada DPL.

Halkan kala soco kulanka. 

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira