Warar 

Midowga Musharaxiinta mucaaradka oo diiday in ay la kulmaan madaxweyne Farmaajo

Midowga Musharaxiinta ayaa diiday in ay la kulmaan madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kaddib markii madaxweynaha uu codsaday in uu la fariisto musharraxiinta mucaaradka.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa Midowga la wadaagay codsiga ka yimid Madaxweyne Farmaajo oo ah in uu la kulmo Musharraxiinta.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa Cali Guudlaawe iyo Axmed Qoor-Qoor ka dalbaday in marka hore ay caddeeyaan mowqifkooda la xiriira go’aanka Golaha Shacabka uu muddada ugu kordhiyay hay’adda dowladda iyo madaxweynaha.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira