Warar 

“Saddex faa’iido ayaa ku jirta in dhallinyaradda fursad loo siiyo kamid noqoshada isbeddelka kasta oo socda”

Xasan Maxamed, oo kamid ahaa dhallinyaro ka qeyb-gashay kulan doodeed ka dhacay Muqdishu, ayaa carabka ku adkeeyay in saddex faa’iido ay leedahay haddii dhallinyaradda loo oggolaado fursadaha kamid noqoshada isbeddel kasta oo ka socda dalka Soomaaliya.

Faa’iidada koowaad ayuu ku sheegay in qofka dhallinyardda maskaxiyan uu caafimaad qabo, labo in uu yahay qof wax-bartay, saddex waxaa laga yabaa in uu ka fiyowyahay waxyaabaha Soomaalidda ay isku kala saar-saarto oo ah middabada, oo uu aaminsanyahay dhallinyaranimo iyo Soomaalinimo, isla markaanna looga sheekeeyay dowladda iyo hormarkii horay u jiray.

Sidaasi awgeed, Xasan Maxamed ayaa soo jeediyay in tix-gelin la siiyo dhallinyaradda si ay qeyb uga noqdaan hormarka iyo dib-u-soo kabashada dalka.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira