Baarlamaanka 

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo ku baaqay in loo gurmado dad ku dhibaataysan duleedka Dhuusamareeb

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, oo maanta gaaray waqooyiga Gobolka Galmudug ayaa ku baaqay in loo gurmado dadkii billo ka hor ka soo barakacay dagaalladii ka dhacay deegaanka Xananbuure.

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb Macalin C/raxmaan Cali Maxamed Geeda-Qorow, ayaa sheegay in dadkaasi ay muddo ka maqanyihiin guryahooda, isla markaana ay ka muuqato dhibaato aad u darran.

Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, ayaa carabka ku adkeeyay in gurmad deg-deg ah loo baahanyahay, ayna soo arkeen dad aad u liita iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

Warar kale oo la xiriira