Falanqeyn 

Dowladda Soomaaliya: Albaabka wadahadalka waa furanyahay balse go’aankii baarlamaanka waa sidiisii

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso in Midowga Afrika uu qaato dowr fududeyn ah, si saamileyda siyaasadda ee dalka ay uga heshiiyaan hannaanka doorashada xilligeedii la soo dhaafay.

Arrintan ayaa waxa ay soo baxday kaddib markii wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, uu booqasho ku tegay caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo, Kinshasa, halkaasi oo uu kula kulmay dhiggiisa madaxweyne Felix Tshisekedi oo haatan ah guddoomiyaha Midowga Afrika.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in dowladda federaalka ay weli ku dheggan tahay xeerkii jihaynta doorashada ee uu Golaha Shacabka ansixiyay 12-kii bishan.

“Waxba iskama aanay badelin go’aankii baarlamaanka uu qaatay, taas waa howl baarlamaanka u taal,” ayuu yiri wasiir Maxamed oo intaas ku daray: “Doorashadu noocwalba oo ay ahaato, mid toos ah, mid dadban, doorasho marwalba waa inay noqotaa mid nabad ah, mid loo dhan yahay, mid waadax ah loo wada jeedo, si natiijada ka soo baxdaa ay u ahaato mid dadka oo dhan ay ku qanci karaan.

Midowga Afrika waxaa u furan dowr fududayn ah

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegay in uusan jirin wadahadal furan oo hadda socda oo xal loogaga gaarayo khilaafka, hasayeeshee waxa uu soo dhaweeyay in Midowga Afrika uu dowr fududayn ah ku yeesho arrinta doorashada Soomaaliya.

Maxamed Cabdirisaaq waxa uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya ay madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay in dhibaatooyinka Afrika yaall lagu dhammeeyo xalal Afrikaan ah.

“Sidaas daraadeed maadaama Madaxweyne Tshisekedi uu yahay guddoomiyaha wareegtada ah ee Midowga Afrika, madaxweyne Farmaajo waxa uu yiri waxba kama qabno in Afrikaanku ay kaalin fududayn ah ay ka qaataan, oo ah inay wax ka ogaan karaan, wici karaan madaxda maamul goboleedyada, ama dadka kale ee danaynaaya siyaasadda.

Hasayeeshee waxa uu wasiirku gaashaanka u daruuray in wadahadallada ay faraha la soo galaan cid aan Soomaali ahayn.

“Marba marka ka dambaysa waxaa soo badanayay in Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, dowlado kale iyo ajaanib badan ay runtii raadinaayeen inay qeyb kaga noqdaan, dowladda federaalka ah arrintaasi marwalba waa ka soo horjeedday.”

Go’aankii muddo kordhinta Golaha Shacabka

Todobaadkii hore ayey aheyd markii Golaha Shacabka ee Soomaaliya uu ansixiyay qaraar uu muddo labo sano ah xilka ugu kordhinayo dowladda, waxaa meel aad xasaasi au ah gaartay xaaladda siyaasadda Soomaaliya iyadoo hadda khilaafka doorashada u dhidibada sii aasanayo.

Wadahadaladii ugu dambeeyay ee ka socday teendhada Afisiyoone ayaa natiijo la’aan ku so dhamaaday markii dhinacyadu ay isku afgaran waayeen hannaanka wada xaajoodka, wax tanaasul ahna la heli waayay.

Fadhi uu Golaha Shacabka Soomaaliya yeeshay maalintii Isniintii 12-kii bishan ayuu ku go’aamiyay in muddo 2 sano ah la siiyo madaxwayne Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo waqtigii xilka uu ka dhammaaday 8-dii bishii February.

Madaxwayne Farmaajo ayaa isna saxiixay qaraarka mudda kordhinta ee uu golaha shacabku meel mariyay, taasoo ahayd tallaabo la wada filayay.

Qaadacaaddii Guddoomiyaha Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sheegay in xeerkii uu Golaha Shacabka ee Aqalka Hoose ku ansixiyay muddo kordhinta dowladda ahaa mid aan waafaqsaneyn dastuurka oo ay ahayd in lasoo mariyo Aqalka Sare.

Wareysi uu BBC-da siiyay ayuu sidoo kale guddoomiyaha ku xaqiijiyay in xiriirka ka daxeeya isaga iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka uusan wanaagsaneyn.

“Qodobka 55-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya ku meel gaarka ah ayaa sheegaya inuu baarlamaanka Soomaaliya ka kooban yahay labo aqal oo kala ah Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Waxaan idiin sheegayaa in sharci kasta oo baarlamaanka Soomaalida sameeyo waa inay labada aqalba ansixiyaan, Markii ay labada aqal ansixiyaan waa inuu madaxweynaha u tagaa oo uu saxiixaa,” ayuu yidhi Cabdi Xaashi.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in “hal aqal uusan gaar u lahayn inuu sharci kaligiis ansixiyo”.

‘Waa in la dhowraa xuquuqda dimuqraadiyadda ee dalka’

Qaar ka mid ah wakiillada iyo danjirayaasha dalalka shisheeye u fadhiya Soomaaliya ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen go’aanka uu Golaha Shacabka ee dalka mudada ugu kordhiyay hay’adaha dowladda iyo baarlamaankaba, iyagoo ka digay in arrintaasi ay sii horun doonto khilaafkii siyaasadeed.

Mareykanka, Midowga Yurub iyo UK oo bayaanno kala duduwan soo saarayna waxa ay ka digeen inay dib u eegi doonaan xiriirkii ay la lahaayeen dowladda federaalka halka uu Mareykanku sheegay inuu cunaqabatayn ku soo rogi doono shakhsiyaad aanay shaacin waxa ay yihiin.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa bayaan kasoo baxay waxay ku sheegtay in si aad ah uga xumaatay inay aragto hadallada bulshada ee qaar ka mid ah saaxiibbadeeda caalamiga ah iyo saaxiibbada muddada dheer ay ku marin habaabinayaan sharciyada ay soo saaraan hay’adaha dowladda ee lagu ilaalinayo xuquuqda dimoqraadiyadda ee shacabka ee ay ku dooranayaan hoggaankooda.

Dadka Soomaaliyeed waxay u oomanaayeen fursad ay ku gutaan xuquuqdooda dimoqraadiyadeed oo ay ugu adeegsadaan awoodda codkooda doorashada hoggaamiyeyaashooda. In kasta oo maamulkani dadaal badan ku bixiyay himiladan, Sebtember 17th, 2020, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya waxay isku raaceen in la joojiyo hannaankaas oo la qabto doorasho dadban taa beddelkeeda.

Dowladda ayaa sheegtay Sida ay dhammaantood goobjoog u ahaayeen sagaalkii bilood ee la soo dhaafay, labo ka mid ah toddobadii saxiixayaasha heshiiska 17 Sebtember 2020, oo kala ah hoggaamiyeyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland, iyagoo ku dhaqmaya cadaadis ba’an oo kaga imanaya saameynta shisheeye, waxay isku dayeen inay hakiyaan oo afduubtaan howsha iyagoo abuuraya dalab aan dhammaad lahayn iyo iyagoo ku baaqaya in la burburiyo hay’adaha dowliga ah ee qaranka.

Suuragal ma tahay in wadaxaajood dib loogu laabto?

Beesha caalamka ayaa ku baaqaysa in wadaxaajoodyada dib loogu laabto si doorasho loo qabtom, waxayna ka fal celiyeen tallaabada muddo kordhinta oo ay ku tilmaameen mid aan loo baahneyn.

Dalalkan oo Soomaaliya ka caawiya kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhinaca diblomaasiyadda ayaa rumeysan in ay suurgal tahay in marka ay madaxda Soomaalida dib isugu soo laabtaan mar kale wadaxaajood al furo.

Adaan Xasan oo ah cilimi-baare arrimaha geeska Afrika ku xeel dheer ayaa rumeysan in ugu dambeyntii dhinacyada Soomaalida ay wadaxaajood isugu iman doonaan, wuxuuna intaas ku daray in hadda xiisaddu ay kacsan tahay laakiin wali xal la gaari karo.

“Waa la isku imaan karaa waa laga tashan karaa laakiin waa in niyad sami iyo niyad wanaag ay jirtaa,” ayuu yiri.

“Hadda sida ay tahay arrinta xiisadda ayaa sare u kacday laakiin wax aan la isaga imaan karin ma laha waqti walba waa la isu tanaasuli karaa, wax aan laga tashan karin oo ay maanta rag ku kala tagaan oo wadan lagu burburiyo ma laha,” ayuu yiri.

Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa ka tagay magaalada Muqdisho oo ay ku sugnaayeen dhowr isbuuc, inkastoo shirkii ay u tageen uusan yeelanin wax natiijo.

Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka fikir duwan madaxweyne Farmaajo marka ay timaado arrinta doorashada, khilaafka ugu weynna halkaas ayuu salka ku hayay.

Laakiin saddexda maamul goboleed ee kale – Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed – ayaa u muuqday inay diyaar u ahaayeen wadahadalka ayna ma mowqif duwan yihiin Puntland iyo Jubaland. Falanqeynta waxaa martii hore lagu daabacay BBC Somali.

Warar kale oo la xiriira