Warar 

Guddiyadii doorashooyinka oo la kala diray iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan la yeeshay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xalay kulan afur ah la yeeshay madaxdii guddiyada Doorashooyinka heer federaal iyo heer dawlad-goboleed iyo Guddiga Khilaafaadka.

Kalfadhi.com, ayaa oggaatay in xalay la kala diray guddiyada madaama hay’addaha dowaldda loo sameeyay muddo kordhin si dalka ay uga dhacdo doorasho qof iyo cod ah muddo laba sannadood gudahooda.

Guddigaan oo ay markii hore magacaawday Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa muddo 6 bilood ka taagnaa khilaaf xoogan, kuwaasi oo aan wax shaqo qaban tan iyo markii la dhisay, iyadoona ugu dambeyn xalay la kala diray.

Warar kale oo la xiriira