Warar 

Saraakiil ka socda AMISOM iyo dowlada UK oo maanta ka qeyb-galay shirka Golaha Amniga Koonfur-Galbeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta shir-guddoomiyey shirka gollaha amniga dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo todobaadkan ay ka qeyb-galeen taliyaha qeybta seddaxaad ee ciidanka AMISOM, sarakiil ka socday dowlada UK iyo qeybaha kala duwan ee saraakiisha laamaha amniga Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa looga hadlay xaaladaha amaan ee deegaanada Koonfur-Galbeed iyo sidii loo bilaabi lahaa howlgalo lagu ciribtiraayo dagaalyahannada al Shabaab ee kusugan qeybo kamid ah degaanada maamulka iyo sidii loo kordhin lahaa howlgalada looga hortagayo qaraxyada al Shabaab.

Dhinaca kale qaar ka mid ah saraakiisha laamaha amniga ayaa laga dhagaystay warbixin ku saabsan amniga iyo howlgalada ay fuliyaan ciidanka, waxaana ay sheegeen in ciidanka ay sii laba jibaareen howlgalkooda inta lagu gudajiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira