Baarlamaanka 

Senator Zamzam “Haddii ay iskaashadaan dhallinyaradda iyo haweenka wey heli karaan xuquuqda kaga maqan siyaasadda”

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka iyo Arrimaha Qoyska ee Golaha Aqalka Sare Senator Zamzam Ibraahim Cali, ayaa sheegtay haddii ay iskaashadaan dhallinyaradda iyo haweenka in xuquuqda kaga maqan siyaasadda ay si fudud ku heli karaan.

Senatarada ayaa todobaadkan magaalada Muqdishu uga qeyb-gashay shirka madasha Qaran ee siyaasadda dhallinyaradda iyo ka qeyb-galka siyaasad loo dhanyahay.

“Dhallinyaradda halkii ay joogeen sannadihii 2012 iyo 2016, ma joogaan maanta oo waxaa la sameeyay hormar badan marka loo fiiriyo tirada dhallinyarada ee maanta kamid ah maamul-gobolleedyada. In dhallinyaradda fursad la siiyo waxaa ay sharaf iyo karaamo u tahay ummadda Soomaaliyeed waayo dhallinyaradda iyo haweenka waa tiradda ugu baddan” ayey tiri.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira