Warar 

Madaxweynaha Somailand oo kulan la qaatay xubnaha Guddida Doorashooyinka Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay xubnaha Guddida doorashooyinka, iyadoona kulankaasi diiradda lagu saaray habsami u socodka qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

Ugu horrayn Guddida doorashooyinka ayaa madaxweynaha, warbixin ka siiyay qaban-qaabada iyo hirgelinta hawlaha wakhtigan socda ee qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka oo maraya meel muhiima. Iyagoo xusay in hawlaha u diyaar-garawga doorashooyinku u socdaan sidii loogu tallo-galay, kuna qabsoomayaan xilligii hore la isula qaatay, idamka Alle.

Sidoo kale waxa kulankaas lagaga wada hadlay kharashaadka ku baxaya doorashooyinka iyo ilaa hadda wixii ku baxay, si looga diyaar garoobo arrimaha dhaqaalaha ee doorashooyinka ku baxaya.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira