Warar 

Qaramada Midoobay oo ka walaacsan dagaalladii ka dhacay Muqdisho, baaqna u diray dhinacyada

Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan ka muujisay dagaalladii u dhexeeyay ciidamada dowlada iyo kuwa taabacsan mucaaradka oo shalay ilaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhinacyada siyaasada isku haya in ay si deg deg ah u bilaabaan wadahadal si looga baaqsado dagaalo iyo rabshado mar kale dhiig ku daato.

”Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn, rabshaddu xal uma ahan is mariwaaga siyaasadeed ee hadda taagan. Waxaan si degdeg ah ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay si dhaqso ah dib ugu bilaabaan wadahadal degdeg ah.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira