Baarlamaanka 

Galmudug iyo Hirshabelle oo diiday muddo kordhinta, kuna baaqay wada-hadal

Maamullada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa sheegay inay isla qaateen in Soomaaliya ay si deg deg ah ay u aaddo doorasho oo meesha laga saaro nooc kasta oo muddo kordhin ah.

War saxaafadeed wadajir ah oo kasoo baxay labada maamul ayaa lagu sheegay in heshiiskii 17-kii September uu saldhig u noqonayo hannaanka doorashada.

“Waxaan ugu baaqeynaa madaxda dowlad goboleedyada kale inay qaataan kaalintooda uga aaddan fulinta heshiiskii 17-ka September si dalka uu u aaddo doorasho lagu heshiiyay,” ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka labada bog ka kooban.

Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa 12-kii April meelmariyay xeerka jiheynta doorashada, si Soomaaliya ay laba sano gudahood uga dhacdo doorasho “qof iyo cod” ah.

Warar kale oo la xiriira