Warar 

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo soo dhoweeyay go’aannadii kasoo baxay Hirshabelle, Galmudug iyo Ra’iisul wasaare Rooble

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo dhaweeyay war-murtiyeedka ay soo saareen Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle, kaas oo ay ku diideen muddo korordhintii loo sameeyay hay’addaha dowlada.

Sidoo kale Guddoomiyahu wuxuu soo dhaweynayaa war-saxaafadeedkii kasoo baxay xafiiska RW Mohamed Hussein Rooble ee ah in Dalka Doorasho loo jiheeyo 

Guddooniyahu wuxuu u mahadcelinayaa cid kasta oo kaalin ka qaadatay, waxa uuna ku boorinayaa dhammaan masuuliyiinta in ay qaataan doorkooda masuuliyadeed si dalka loogu jiheeyo doorasho wadar-ogol ah oo ku dhacda jawi nabdoon. 

Warar kale oo la xiriira