Warar 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Ururrada Bulshada rayidka, kuna baaqay xabad-joojin

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Ururada Bulshada Rayid, ayaa ka wadda-hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka gaar ahaan dagaalladii ka dhacay magaalada Muqdishu iyo ciidamada isku-hor-fadhiya caasimada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay xabbad joojin ka dhacda magaalada Muqdsho, waxaana uu ku baaqay shir degdeg ah oo la iskugu yimaado loogana hadlo arrimaha ammaanka.

“Waxaan farayaa ciidanka sugidda amniga muwaadiiinta, difaacda dalka, iyo la dagaalanka argagixisada, islamarkaana aysan siyaasadda ku milmin.”ayuu yiri Rooble.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira