Warar 

Guddiyada Hergelinta Doorashooyinku oo soo dhoweeyay go’aamada maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo Ra’iisul Wasaaraha

Guddiyada Hergelinta Doorashooyinku ayaa soo dhoweeyay go’aamada shalay ay gaareen maamulada Hirshabeelle, Galmudug iyo Raysalwasaaraha xukuumadda Federalka Soomaaliya, ee ahaa in dib loogu noqdo hanaankii doorashada ee ku caddaa heshiiskii 17-Sebteembar-2020.

“Wuxuu guddigu u arkaa go’aankaan mid ku soo aaday wakhti muhiim u ah dalka, wuxuuna abuuray xaalad isu Soo dhowaansho, isagoo caddeeyey in dadka Soomaaliyeed awood u leeyihiin in ay xalisan karaan arrimaha dhexdooda yaal.”

“Ugu danbayn xalka wadanku wuxuu ku  jiraa in doorasho loo dareero, Isla markaana ku salaysan 17- Sebtember. guddiguna wuxuu horeba u diyaariyey dhammaan habraacyadii iyo shuruucdii doorashada lagu geli lahaa.”

Warar kale oo la xiriira