Baarlamaanka 

Guddoonka Golaha Shacabka oo beeniyay in xil ka qaadis lagu sameyn doono Ra’iisul Wasaare Rooble

Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ayaa maanta beeniyay wararka sheegaya in maalinta Sabtida xil ka qaadis lagu sameyn doono Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan Ummadda Soomaaliyeed uga digeynnaa in ay ka fogaadaan wararka been abuurka ah”, ayuu yiri Guddoonka.

Ujeedka kulanka Sabtiga ayuu ku sheegay in Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu hor imaan doono mudanayaasha Golaha Shacabka. 

Tan iyo shalay ayaa la hadal hayay in Baarlamaanka uu ceyrin doono Ra’iisul Wasaaraha, kaddib markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku dhowaaqay in dalka uu aadayo doorasho, isla markaana uu ka hor yimid muddo kordhinta hay’addaha dolwadda.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira