Warar 

Kismaayo oo maanta lagu daah-furay qorshaha horumarinta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ee 2021/2024

Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aaden ayaa maanta magaalada Kismayo ku daah-furay qorshaha horumarinta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ee 2021/2024.

Qorshahaan ayaa ka kooban istaraatiijiyadda horumarinta ee wasaaradaha Jubbaland, taas oo la dejiyo afartii sannadoodba hal mar.

Golaha wasiirada Jubbaland, Xildhibaano, Agaasimayayaal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, ayaa kasoo qeyb-galay daah-furka munaasabadda. 

Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha Aaden Faarax Gaarane, oo ku hadlay afka agaasimeyaasha wasaaradaha Jubbaland ayaa sheegay in fulinta qorshayaasha horumarinta ee loo dhan yahay ay si wadajir ah uga qayb-qaadan doonaan dhammaan wasaaradaha Dowlad goboleedka Jubbaland.

Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ugu dameyn rajo wanaagsan ka muujiyey in qorshahan uga ka qayb qaadan-doonno horumarinta guud ee Jubbaland.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira