Warar 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Midowga Musharixiinta, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hir-Shabeelle

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan looga arrinsaday xaaladdaha dalka la yeeshay qaar ka mid ah xubnaha Midowga Musharixiinta, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hir-Shabeelle.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala, oo kulanka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa yiri.

“Ujeedka kulanka waxa uu ahaa sidii looga wada shaqeyn lahaa amniga iyo deganaanta muqdisho isla markaana looga hortegi karo waxkasta oo keeni kara dhibato.”

Madaxda ayaa ka wada hadlay in dalka ay si deg deg ah uga dhacdo doorasho asal u ah heshiiskii 17-kii September, isla markaana dhinacyada oo dhan ay xoogooda u mideeyaan sidii looga fogaan lahaa wixii dalka horseedi kara xasilooni darro.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira