Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta ka qeyb-galay kulan looga hadlay arrimaha doorashada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeyb-galay kulan qado sharaf ah oo uu sameeyay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed mudane C/Casiis Xasan Maxamed (lafta gareen), Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, guddoomiyihii hore ee baarlamaanka mudane Xildhibaan Aadan Madoobe iyo masuuliyiin kale. Mudanayaasha ayaa iska wareystay xaaladdah siyaasada, gaar ahaan deegaannada Koonfur-Galbeed iyo arrimaha doorashooyinka.

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Arday ka socotay Jaamacadda Puntland State University (PSU) oo ka qeyb-galay siminaar ku saabsan barashada iyo fahanka baarlamaanka

Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane Avv: Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan, ayaa si rasmi ah u furay Aqoon kororsi ah ku saabsan Barashada iyo fahanka Baarlamaanka, kaas oo ay ka qeyb-galeen arday ka socta Jaamacadda Puntland State University ( PSU). Ujeeddada guud ee tababarka ayaa looga gol-leeyahay xoojinta iyo fahanka nidaamka dawladnimada, dawlad wanaagga iyo shaqada Baarlamaanka, waxaana furitaanka Tababarkaan oo ka dhacay xaruna Golaha Wakiillada ka qeyb-galay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirisaaq Xiddig Warsame, Hawl-wadeeno ka tirsan Golaha iyo Maxamed Cali Faarax…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Shacabka Somaliland oo maanta u dareeray goobaha codbixinta, si ay u doortaa xildhibaanno iyo  wakiillada deegaanka

Shacabka Somaliland ayaa maanta oo isniin ah u dareeray goobaha codbixinta, si ay u soo doortaan xildhibaannada golaha wakiillada iyo kuwa deegaanka. Shacabka gaaraya 1,065,847 ayaa codeynaya, kuwaa oo codkooda ka dhiiban doono 2,709 goobood oo loo asteeyay codbixinta. Musharrixiin gaaraya 246 ayaa u tartamaha golaha wakiillada, halka 552 ay u tartamayaan golaha deegaanka. Doorashadan ayaa noqoneysa tii toddobaad tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale. Hassan Istiila Mogadishu, Somalia

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay guddi qiimeeya xubnaha guddiga farsamada doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadd Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi qiimeeya caddeymaha xubnaha guddiga farsamo ee doorashooyinka. “Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa guddi heer wasiir ah u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto sida ku cad qodobka 1aad ee Hishiiskii Gollaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.”ayaa lagu soo daabacay bogga xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo kan afhayeenka xukuumadaba. Madaxda maamuladda Puntland, Jubbaland iyo xisbiyadda mucaaradka ayaa dood-geliyay kalsoonida ay ku qabaan xubnaha guddiga, waxaana dhowaan la isku raacay in guddiga laga saaro…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Guddiga arrimaha bulshada ee baarlamaanka Puntland oo maanta kormeeray qaar kamid wasaaraddaha maamulka

Guddiga arrimaha bulshada iyo dhaqanka Golaha Wakiillada DPL ayaa manta kormeer shaqo ku tagay wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyaradda & ciyaaraha DPL, iyagga oo dhammaan booqday waaxyaha Wasaaradda halkaas oo ay warbixin kaga dhageysteen Wasiirka & Agaasimaha Guud ee Wasaaradda. Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyaradda & Ciyaaraha DPL, Jaamac Faarax Muuse oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Axmed Cabdalla Tigaana ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba caqabadaha jira, iyagga oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen, Guddiguna u hawlgali-doonaan sidii wax looga qaban…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Guddoomiyaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi iyo dhigiisa dalka Pakistaan oo teleefoonka kuwa hadlay

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo dhigiisa dalka Pakistan Mudane Sadiq Sanjirani, khadka taleefoonka ku wadda-hadlay ayaa kulankooda uga hadlay arrimo ay kamid yihiin iskaashiga labada baarlamaanka iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal. Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Pakistan mudane Sadiq Sanjrani, ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay dhigiisa Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, si uu booqasho ugu tago dalka Pakistan taas oo lagu xoojinayo xiriirka labada baarlamaan. Mudane Sadiq, ayaa xusay in ay muhiim tahay is-dhaafsiga wufuud ka kala socda labada baarlamaan si…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Madaxweyne Farmaajo oo kula dar-daarmay madaxda siyaasadda in xuquuqda dumarka la gaarsiiyo boqolkiiba 40

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kula dar-daarmay hoggaamiyaasha siyaasadda in ay xaqiijiyaan xuquuqda dumarka oo ah boqolkiiba 30, balse markan la gaarsiin karo boqolkiiba 40. Mudane Farmaajo, ayaa hadalkaasi ka sheegay shirkii heshiiska dhammeystirka wadda-hadalladii ku saabsanaa hirgelinta doorashada oo ku salaysan heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 iyo is afgaradkii magaalada Baydhabo ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in ay hortaallo Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dowlad Gobolleedyada howl baaxad leh oo ku aaddan xaqiijinta fulinta heshiiskan si lagu wada qanacsan yahay oo…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo u mahadceliyey ciidamadii sugayay amniga shirkii wadda-tashiga qaran ee doorashadda

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble,  ayaa u mahad celiyey ciidamada amniga ee u taagnaa sugidda Amniga Shirkii wadda-tashiga qaran ee arrimaha doorashooyinka oo lagu soo gabo-gabeeyey magaaladda Muqdisho. “Waxaan mahad aad u ballaaran u jeedinayaa ciidammada amniga ee maalmaha badan qorraxda iyo dhaxanta u taagnaa sugidda amniga shirkii wadda-tashiga Qaran ee shalay guusha noogu soo idlaaday. Waan idinku faaneynaa waxaadna tihiin geesiyaasha aan ku gama’no” ayuu yiri R/wasaare Rooble. Hoggaamiyayaasha maamul-gobolleedyada ayaa inta aan Ra’iisul Wasaaraha lagu wareejin amniga doorashada, waxaa ay shaki badan ka muujinayeen…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Madaxweyne Farmaajo oo tilmaamay in ay hortaallo Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dowlad Gobolleedyada howl baaxad leh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed heshiiska dhammeystirka wadahadalladii ku saabsanaa hirgelinta doorashada oo ku salaysan heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 iyo is afgaradkii magaalada Baydhabo ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey dhinacyada shirka ka qeybgalay kaalinta ay ku lahaayeen heshiiskan, isaga oo si gaar ah ugu ammaanay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble doorkiisa wax-ku-oolka ah ee ka miro-dhalinta dhaqan-gelinta heshiisyadii hore loo gaaray. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in ay hortaallo Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Shirweynaha golaha wada-tashiga qaran ee arrimaha doorashooyinka oo maanta lagu soo afmeeray Muqdishu

Shirweynaha golaha wada-tashiga qaran ee arrimaha doorashooyinka oo muddo afar cisho ah ka socday magaalada Muqdishu ayaa maanta la soo gaba-gabeeyay kaddib heshiis ay gaareen hoggaamiyeyaasha siyaasadda dalka. shirweynahan ayaa looga hadlayey xalinta khilaafadka arrimaha doorashooyinka iyo dhammeystirka heshiiskii 17 September iyo 16 February. Madaxda maamul-gobolleedyada, gobolka Banaadir, Guddoonka aqalka sare, bulshada rayidka ah, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wakiiladda beesha caalamka, ayaa ka qeyb-galay munaasabada xiritaanka shirka. Hassan Istiila Mogadishu, Somalia

Akhriso Faahfaahinta