Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta oo soo dhoweeyay go’aankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka

Guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta soo dhoweeyay go’aankii Golaha Shacabka ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii doorashada ee 17 September.

“Waa tallaabo dhanka wanaagsan loo qaadey, oo mudan in lagu bogaadiyo cid kasta oo qayb ka ahayd. Waxaan in muddo ah aan u taagnayn sidii heshiiskaas loogu laaban lahaa oo uu yahay xalka kaliya ee doorasho ee aan haysanno.”

“Waxaan markale ku celinaynaa in heshiiskaas iyo fulintiisaba ay tahay in ay iska fahmaan Xukuumadda xilgaarsiinta, madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Saamileyda Siyaasadda ee Dalka.”, ayuu yiri. 

Hassan Istiila 

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira