Warar 

Madaxweynayaasha Hirshabelle, Galmudug iyo musharrax Shariif Sheekh Axmed oo ka wadda-hadlay arrimaha doorashooyinka

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kaarie ayaa maanta hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Sharif Sheikh Ahmed.

Kulankaan ayaa intii uu socday looga hadlay Xaaladaha guud ee Dalka, sidii looga wada shaqeyn lahaa amniga iyo sidii Dalka ay uga dhici lahayd Doorashooyin wada ogol ah.

Madaxda ayaa isku raacay in laga wadda-shaqeeyo xalisoonida dalka, si looga baaqsaday in ay dib u dhacaan qalalaasihii dhowaan ka dhashay go’aankii Baarlamaanka.

Warar kale oo la xiriira