Baarlamaanka 

Madaxweyne Farmaajo oo maanta khudbad u jeedinaya Xildhibaannada Golaha Shacabka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta khudbad ku saabsan arrimaha doorashada dalka u jeedinaya Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Fadhiga Baarlamaanka ee maanta oo isha lagu hayo, ayaa la filayaa in go’aannada kasoo baxo ay noqdaan kuwo dalka ka badbaadiya qalalaaso siyaasadeed iyo kuwo amni. 

12-kii bishii hore Baarlamaanka ayaa ansixiyay sharci mudada u kordhinaya hay’addaha dolwadda isla markaana dalka uu galayo doorasho qof iyo cod ah muddo labo sano gudahood ah. Balse sharcigaasi waxaa ka horyimid musharaxiinta xilka madaxweynaha iyo qaar kamid ah saaxiibbada Soomaaliya.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira