Baarlamaanka 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo lagu wareejiyay arrimaha doorashada iyo amnigeeda

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khudbad u jeedinayay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’iisal Rooble uu hoggaamin doono doorashada iyo amniga.

“Waxaan halkaan ka cadeynayaa in Ra’iisul wasaare Rooble uu hoggaamin doonodiyaarinta iyo amniga sidoo kale fulinta qorshaha sida waafaqsan dastuurka waxaa iska leh ra’iisal wasaaraha.”

Madaxweynaha ayaa xukuumadda faray inay howshaas baaxadda leh u hoggaansamaan.

Amniga doorashada ayaa ahaa mid kamid ah qodobadii dhaliyay khilaafkii uu ku bur-buray shirkii 17 September ee loo ballansanaa.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira