Baarlamaanka 

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta ansixiyay in dib loogu laabto heshiiskii 17-kii September

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay in dib loogu laabto heshiiskii doorasho ee 17 September, kaddib kulan aan caadi aheyn oo uu ka qeyb-galay madaxweyne Maxamed Cabdullahi  Farmaajo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in 140 mudane ay aqbashay in dib loogu noqdo heshiiska, mana jirin mudane diiday ama ka aamusay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa dhinaca kale warbixin ku saabsan xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka siiyay xildhibaannada

ayaa sheegay in Xildhibaannada ay cod aqlabiyad leh Ku meel mariyeen in dib loogu laabto heshiiskii 17 September, isagoo intaa ku daray in sidan uu ansax ku yahay.

Warar kale oo la xiriira