Warar 

Maamulka Jubbaland oo ka hadlay “Ku wareejinta amniga iyo maamulka doorashooyinka RW Rooble”

Wasiirka warfaafinta Dowlad Goboleedka Jubbaland Eng Cabdi Xuseen ayaa sheegay in ay qabyo tahay balse ay soo dhoweynayaan in maamulida iyo amniga doorashooyinka lagu wareejiyo ra’iisul wasaaraha.

“Ma wada dhamo oo sidii la rabay ma aha in xukunka uu wareejiyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, waa laga habboon yahay in uu isku dhajiyo ciidamadii ayaa is hor fadhiya, mana ahayn in uu doorashada keliya wareejiyo, hoggaankii ciidanka ayuu weli hayaa waana in uu saxiixaa warqadda xil wareejinta”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay khudbad u jeedinayay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’iisal Rooble uu hoggaamin doono doorashada iyo amniga.

“Waxaan halkaan ka cadeynayaa in Ra’iisul wasaare Rooble uu hoggaamin doonodiyaarinta iyo amniga sidoo kale fulinta qorshaha sida waafaqsan dastuurka waxaa iska leh ra’iisal wasaaraha.”

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira