Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  iyo ergeyga gaarka ah ee dowladda Qatar oo kulan yeeshay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somalia Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

Guddoomiyaha iyo ergeyga ayaa ka wadda-hadlay xaalada guud ee dalka iyo xoojinta xiriirka labada dowladood. Sidoo kale waxaa ay ka wadda-hadleen arrimaha doorashooyinka si gaar ah go’aankii ay shalay Golaha Shacabka ku ansixiyeen codsiga madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-September 2020.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira