Warar 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo iclaamiyay xilliga uu dhacayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa 20-ka bisha May shir wadatashi ah isugu yeeray madaxda Maamul-goboleedyada iyo gobolka banaadir.

Shirkan oo ka dhici doona magaalada Muqdishu, ayaa madaxda ay uga arrinsanayaan hirgalinta heshiiskii 17 September ee ay Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir isku afgarteen sanadkii hore.

War-saxaafadeed uu akhriyay Afayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimoo ayuu ku sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqayo madaxda shirka ku casuuman in ay yimaadaan 20ka ka hor si shirka uu u furmo maalinka loo asteeyay oo khamiis ah.

Warar kale oo la xiriira