Warar 

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo ergeyga dalka Qatar oo ka wadda-hadlay arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda federalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Maanta kulan gaar ah la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar u qaabilsan dhex dhexaadinta xalinta khilaafaadka Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

Labada dhinac ayaa ka wadda-hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen xaaladdihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo arrimaha doorashada. Dhinaca kale waxaa ay ka wadda-hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya iyo iskaashiga labada dal.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira