Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Qunsulka Itoobiya oo ka wada-hadlay arrimaha ganacsiga iyo amniga

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland  Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad Mudane, Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman ayaa xarunta Aqalka Wakiillada ku qaabilay Qunsulka Itoobiya ee Puntland Mudane, Degnachew Yitbarek.

Guddoonka Golaha iyo Qunsulka Dawladda Itoobiya ayaa ka wada-hadlay arrimaha ganacsiga, amniga iyo siyaasadda.

Dhinaca kale, kulanka waxaa ka qeyb-galay Xoghayaha Guud Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Xiddig Warsame.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira