Warar 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo sheegay in amniga doorashada loo xil saari doono ciidamo dhexdhexaad ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shalay kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay inay soo dhisto ciidamo khaas ah oo fuliya amniga dooarshada, kuwaasi oo loo wada dhan yahay dhexdhexaadna ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay ciidankaasi ku shaqayn doonaan xayndaabka sharci kadib marka wadatashi lala sameeyo dhammaan saamilayda siyaasadda.

Rooble ayaa sheegay in caqabadda keliya ee hortaagan doorashada ay tahay dhammeystirka heshiiskii 17-ka September, iyadoo loo sii marayo taloyinkii shirkii Baydhaba.

Warar kale oo la xiriira