Warar 

Shariif Sh. Axmed ” Waan soo dhoweynayaa heshiiskii laga gaaray rabshadihii ka dhashay muddo kordhinta”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ayaa xalay soo dhoweeyay heshiiska laga gaaray rabshadihii ka dhashay muddo kordhinta, isagoo sheegay in codkiisa uu ku biirinayo in ciidamada qalabka sida ee geesiyayaasha aan marna la siyaasadeyn oo ay ku laabtaan xarumahoodii.

“Waxaan kaloo bogaadinayaa dadaalada Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda, iyadoo aan ka rajeyneyno in heshiis laga gaaro doorashooyinka iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17 September. Waxaan ku celinaynaa markale in gacmaha la isku qabsado sidii looga gudbi lahaa marxaladdan adag ee kala guurka, iyadoo wax kasta lagu bixinayo dib uheshiin, isqancin iyo isku tanaasul.”

Golaha Shacabka ayaa 1-dii bishan May dib uga laabtay qaraarkii muddo laba sannadood ay hay’adda dowladda ugu kordhiyeen kaddib rabshado ka dhacay caasimadda.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira