Warar 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo kulan looga hadlay amniga musharraxiinta la yeeshay taliyaha ciidanka Booliiska

Madaxweynihii hore ee  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud, ayaa xalay kulan la yeeshay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed sarreeye gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ay weheliyaan taliye ku-xiggeenka iyo afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Kulankan oo ka dhacay hoyga mudane Xasan Sheekh ayaa looga hadlay qorshaha sugidda amniga musharraxiinta ee xilliga doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa maalin ka hor sheegay in amniga doorashooyinka loo xil-saari doono ciidamo dhex-dhexaad ka ahaa qalalaasihii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdishu.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira