Baarlamaanka 

Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ku geeryooday Muqdishu

Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil, oo ka tirsanaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ayaa ku geeryooday magaalada Muqdishu, kaddib muddo uu xanuunsanaa.

Marxuumka ayaa horay u soo noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, wasiir arrimo dibadeed iyo safiir. Sidoo kale dhowr jeer waxaa uu noqday Xildhibaan Federaal ah.

Allaha u Naxariistee C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sanadihii sideetameeyadii soo noqday Safiir dalalka Ruushka iyo Giriiga.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira