Warar 

Muqdishu oo lagu qabtay kulan lagu dhammeystirayo la tashiga Siyaasadda Diiwaangelinta Madaniga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa magaalada Muqdishu ku qabatay kulan lagu dhammeystirayo la tashiga Siyaasadda Diiwaangelinta Madaniga.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Wakiillo ka socda Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada, Gobolka Benaadir, Hay’adda Istaatiskada Qaranka, Hoggaanka Socdaalka & Jinsiyadaha iyo Wasaaradaha ku lammaanan howshan oo kala ah; Wasaaradda Waxbarashada H&T Sare, Wasaaradda Diinta & Awqaafta, Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha -Mwhrd , Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira