Warar 

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la qaatay madaxweynihii hore ee dalka Sh. Shariif iyo musharraxa Cabdiraxman Cabdi Shakuur

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Generaal Hijaar oo ay weheliyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa xalay hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee dalka Mudane Sharif Sh. Ahmed.

Kulankan ayaa looga hadlay qorshaha sugidda amniga musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Generaal Hijaar, ayaa isla shalay hoygiisa ku booqday guddomiyaha Xisbiga Wadajir Party Abdirahman Abdishakur Warsame.

Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa maalin ka hor sheegay in amniga doorashooyinka loo xil-saari doono ciidamo dhex-dhexaad ka ahaa qalalaasihii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdishu.

Warar kale oo la xiriira