Baarlamaanka 

Madaxweyne Farmaajo oo dhallinyarada kula dar-daarmay in aysan noqonin xaabo la shito oo dano-shaqsiyadeed lagu gaaro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo 1-dii bishan May khudbad u jeedinayay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dhallinyarada kula dar-daarmay in aysan noqonin xaabo la shito oo dano-shaqsiyadeed lagu gaaro.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waa ubaxeena, waa mustaqbalka berri, waxaan idinkula dar-daarmayaa ha-noqonina xaabo la shito oo dana shaqsi ah lagu gaaro oo haligi kara naftiina, maalkiina dadkiina, dalkiina iyo diintiina”.

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa 1-dii bishan May cod aqlabiyad leh ku ansixiyay in dib loogu laabto heshiiskii doorasho ee 17 September, kaddib kulan aan caadi aheyn oo uu ka qeyb-galay madaxweyne Maxamed Cabdullahi  Farmaajo.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira