Warar 

Dowladda Kenya oo hakisay duulimaadyadii ka imaan jiray iyo kuwii aadi jira Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa maanta shaacisay in ay hakisay dhammaan duulimaadyadii ka imaan jiray ama aadi jiray Soomaaliya kaddib toddobaad uun markii labada dal ay dib usoo celiyeen xiriirkooda diblumaasiyadeed.

Waaxda duulista hawada ee Kenya ayaa lagu sheegay in hawada Kenya ay soo geli karaan oo kaliya ah diyaaradaha ha’yadaha gargaarka iyo duulimaadyada qaabilsan gurmadka deg deg ah ee caafimaadka ee ka imaanaya Soomaaliya.

Kenya kama aysan hadlin sababta ay u hakisay diyaaradihii ka imaan jiray dhinaca Soomaaliya.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya Iyana wali wax war ah kama soo saarin go’aanka cusub ee Kenya.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira