Warar 

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay go’aanka Kenya ay ku hakisay duulimaadyada ka imaanaya Soomaliya

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax, ayaa maanta sheegay in wax lala yaabo ay tahay go’aanka dowladda Kenya ay ku hakisay dhammaan duulimaadyada ka imaanaya iyo kuwa tagaya dalka Kenya.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Kenya aysan jirin qoraal rasmi ah oo ay soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya, balse kaliya ay arkeen qoraalka lagu baahiyay warbaaahinta dalka Kenya.

Mudane Duraan Axmed, ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado wadatashiyo, isla markaana ay soo saari doonto go’aan arintaa ku aadan.

Waaxda duulista hawada ee Kenya ayaa lagu sheegay in hawada Kenya ay soo geli karaan oo kaliya ah diyaaradaha ha’yadaha gargaarka iyo duulimaadyada qaabilsan gurmadka deg deg ah ee caafimaadka ee ka imaanaya Soomaaliya.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira