Warar 

Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Uganada oo ka wadda-hadlay amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyada oo ay madaxdu isku raaceen adkeynta xiriirka qotada dheer ee ku dhisan iskaashi iyo wax wadaqabsi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Dhiggiisa dalkaas Madaxweyne Yoweri Museveni guusha uu ka gaaray doorashooyinkii ka dhacay dalkan, isaga oo u rajeeyey horumar iyo barwaaqo Shacabka iyo dawladda Uganda.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira