War-Saxaafadeedyo 

“Ra’iisul Wasaare Rooble doorashadooda ha u madax-banneeyo dadka kasoo jeedo Goboladda Waqooyi”

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ka codsaday in dadka kasoo jeedo Goboladda Waqooyi ee u taagan midnimadda uu u madax baneeyo doorashadooda, madaama Ra’iisul Wasaaraha lagu wareejiyay maamulka doorashooyinka.

Mudane Maareeye, ayaa sidoo kale codsaday in la kala diro guddiyadii shaqaallaha iyo askarta ahaa, hadda kaddibna la iskugu yeero dadka lagana heshiiyo habraacyada iyo guddiyadda doorashada.

Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ee aan taageersaneen dowladda mudane Farmaajo, ayaa dhaliilay habraacyadii loo maray dhismaha guddiyadda maamulka doorashooyinka ee Gobolada Waqooyi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ballanqaaday in uu dalka ka qaban doono doorasho xor iyo xalaal ah oo loo simanyahay.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira