Warar 

“Waxaan hubaa in dhallinyaradu ay ka mira dhalin karaan dib-u-dhiska dalkeenna Soomaaliya.”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska munaasabadda sanadguurada 78-aad ee aasaaskii ururkii gobannimo doonka ahaa ee SYL oo maanta ku beegan.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Facebook, ayuu ku sheegay in dhalinyarada ay udub dhexaad u ahaayeen xoreynta dalka , isagoona dhalinyarada ku tilmaamay inay weli yihiin tiirka ay ku taagan tahay dowladnimada, uguna hambalyeeyay xuska 15-ka May.

“Dhallinyaradu waxay udub dhexaad u ahaayeen xoreynta dalkeenna, walina waa tiirka ay ku taagan tahay dowladnimadeenna, marka la eego sida ay uga muuqdaan Ciidanka Xoogga Dalka, shaqaalaha rayidka ah iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada. “

“Maadaama ay bulshada maanta ka yihiin 75%, waxaan hubaa in dhallinyaradu ka mira dhalin karaan dib-u-dhiska dalkeenna.”

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira