Warar 

Gudiga qaban qaabada Shirka Wadatashiga Qaran oo maanta kulan ku yeeshay Muqdishu

Guddi wakiilo ah oo ka kala socda dowlad Goboleedyada oo maanta soo gaaray magaalada Muqdishu, ayaa yeeshay kulankooda koowaad oo diirrada lagu saaray Shirka Wadatashiga Qaran ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda uu isugu yeeray madaxda maamul Goboleedyada.

Shirka Wadatashiga Qaran oo furmi doona 20-ka bishan ayaa ka dhici doona magaalada Muqdishu.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu, ayaa xusay in uu bilaabmay qaban-qaabada shirka madaxda oo la filaya in xal looga gaaro arrimaha doorashooyinka.

“Gudiga qaban qaabada ee ka socda maamul Goboleedyada ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana kulankan ay yeesheen soo qaban qaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha”ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira