Warar 

Musharrixiinta oo ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha in uu joojiyo safarada dibadda, dhex-dhexaadnimadana uu ka leexday

Golaha Midowga Musharraxiinta oo maanta soo saaray war-saxaafadeed ayaa walaac ka muujiyay in Ra’iisul wasaare Rooble uu u muuqdo qof ka weecanaya mowqifkiisa dhex-dhexaadnimo.

Musharraxiinta ayaa intaasi ku daray in culeys Ra’iisul Wasaaraha kaga imaanaya banaanka ay ka leexinayaan booskiisa dhexdhexaadnimada.

Golaha ayaa ugu baaqay Mudane Rooble inuu muujiyo madax banaani, joojiyana safarada dibada ee aan loo baahnayn oo wakhti luminaya.

Warar kale oo la xiriira