Warar 

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga doorashooyinka ee caasimadda

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali yare) ayaa shir gudoomiyay kulan looga hadlayay dardar-gilinta Amniga Magaalada Muqdisho oo ka dhacay Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar.

Kulanka waxaa ka qeyb-galay agaasimaha guud ee amniga Caasimadda oo ay wehliyaan agaasimiyaasha waaxyaha amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir, Lataliyaal iyo saraakiil ka tirsan laamaha amniga.

Madaxda ayaa isku raacay in la soo celiyo kormeerkii joogtada ahaa ee ay wada sameyn jireen hay’adaha amniga iyo maamulada degmooyinka, kaasoo lagu xaqiijinayo amniga caasimada.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira