Warar 

Ra’iisalwasaare Roble waa in uu shan arrimood oggaado ka hor inta uusan tagin shirka 20ka May

Waxay ila tahay in ay muhiim tahay in Ra’iisalwasaare Mohamed Hussein Roble uu shan arrimood ogaado kahor inta uusan tagin shirka 20ka May.

1- In uu ogaado in aan laga aqbali doonin wixii Farmaajo laga diiday.

2- In uu ogaado in heshiiski 17ka September uu kaliya aasaas yahay, balse ay tahay in laga heshiiyo waxa la isku haayo oo dhan.

3- In uu ogaado in taageerada uu ka haysto mucaaradka, ciidamada, beesha caalamka iyo guud ahaan bulshada ay tahay mid shardiyaysan oo uu ku kasbaday in uu ka leexday waddadii hore loogu lumay.

4- In uu ogaado in arrinta aan sheegi jirnay ee ahayd in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhammaato uu micnaheedu yahay in ay ku dhamaato miis loo dhan yahay oon lagu kala maqanayn.

5- In uu ogaado in miiska oo saamilayda loo diido, kuwa fadhiyana looga kaco uu yahay habdhaqan hore loogu hungoobay laguna fashilmay.

Ugu danbayn, walaalkeey Ra’iisalwasaare Rooble waxaan leeyahay si aad u guulaysatid waa in aad guuldarrooyinki hore wax ka baratid.

W/Q Musharraxa Daahid Maxmuud Geelle

Warar kale oo la xiriira