Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo ku baaqay in la joojiyo dagaal ka socdo Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha Barlamaanka Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiim Luqmaan Xaaji, ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beleed kasoo cusboonaaday deegaanno hoos yimaada magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Laba beel oo walaala ah ayaa dhowaan ku dagaallamay deegaanka, waxaana la soo wariyay in khasaaro uu ka dhashay dagaalka.

Dr Cabdixakiim Luqmaan ayaa sheegay in xilliga la taagan yahay gobolka Hiiraan bulshada ku nool aysan xamili karin colaad.

Warar kale oo la xiriira