Baarlamaanka Warar 

“Hal xaraf oo aad ku qorto baraha bulshada, haddii qof uu u dhinto qeyb ayaad ka tahay mas’uuliyadeeda”

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal beeleed maalmihii la soo dhaafay ka socday waqooyga magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Xildhibaanno iyo wasiiro ka socda dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabelle, oo shalay gaaray magaalada ayaa bilaabay wadda-hadalo iyo sidii loo joojin lahaa dagaalka, isla markaana nabad loo dhex-dhigi lahaa labada dhinac.

Wasiir ku-xigeenka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Cabdifataax Khasim, ahna xildhibaan laga soo doorto Hirshabelle oo kamid ah wafdiga gaaray Beledweyne, ayaa dhallinyaradda isticmaasha baraha bulshada kula dar-daarmay in ay joojiyaan haddalada xanafta leh ee ay ku qorayaan baraha bulshada.

“Allah wuu kula xisaabtamayaa, mas’uuliyadana qeyb ayaad ka leedahay, haddii hal xaraf oo aad ku qortay baraha bulshada uu sababo dhimashada hal qof. Waa in aad taageertaan nabadda.” Ayuu yiri xildhibaanka.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira